Xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya ayaa Maanta oo Sabti ah waxa ay xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho ay ku yeesheen kulankoodii caadiga ahaa.
Kulankaan ayaa ah Kalfadhiga 2-aad kulankiisa 22-aad waxaana goob-joog ah 161 xildhibaan, waxaana shir gudoominaya Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.
Ajandaha Maanta kulanka ayaa ahaa sidii ay xildhibaanada u ansixin lahaayeen ama ay u diidi lahaayeen heshiiskii Isdhaafsiga Maxaabiista ee Soomaaliya iyo Indiya.
Sidoo kale Xildhibaanada ayaa dhageysan doona Akhrinta warbixinta Guddiga Madaxbanaan ee Xuduudaha dalka kaas oo horay u soo maray Akhrinta Koowaad.
Intasi ka dib xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa cod Gacan taag ah waxa ay ku ansixiyeen heshiiskii Isdhaafsiga Maxaabiista ee Soomaaliya iyo Indiya sida uu ku dhawaaqay gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.
Hoos Ka Dhageyso Codka Gudoomiye Jawaari