Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil Xasan Yare oo kamid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay Shirka Caalamiga ee Iskaashiga Soomaaliya ee Maanta ka furmay Magaalada Muqdisho.
Xildhibaan Xasan Yare ayaa waxaa uu sheegay in Shirka Iskaashiga Soomaaliya ee furmay uu yahay mid ay ka soo qeyb galaan Beesha Caalamka,isla markaana looga hadlo arrimaha xiligaas taagan iyo horumarka dowladda gaartay.
Sidoo kale Xildhibaanka ayaa tilmaamay in Shirkaas ay ka maqan yihiin inta badan Madaxda Maamul Goboleedyada dalka sida Galmudug,Jubbaland iyo Puntland,isagoo sheegay in arrintaas ay sabab u yihiin Madaxda dowladda Federaalka.
Waxaa kaloo uu sheegay Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil (Xasan Yare) in uu qabo fikir ah in Shirkaas qodobada ka soo baxa aysan ahaa doonin kuwa meel gaara,maadaama aan loo dhammeyn Shirka.
Dhinaca kale Xasan Cabdi Ismaaciil (Xasan Yare) ayaa ka hadlay Go’aankii Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf uu dib uga laabtay Wakiilashii Wasaaradda Arrimaha Gudaha dowladda Federaalka u wakiishay arrimaha dib u heshiisiiinta Galmudug iyo Doorashooyinka.
Ugu dambeyntii Xildhibaanka ayaa Dowladda ku eedeeyay in danno gaar ah ay ka leeyahay Doorashooyinka Galmudug,hayeeshee Madaxweyne Xaaf uu ku saxsan yahay inuu dib ula soo laabto Mas’uuliyadiisa dowlad Goboleedyada Galmudug.
Hoos ka Dhageyso Codka Xildhibaan Xasan Yare.