Xildhibaan Maxamuud Abuukaate oo Ka Mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo la hadlay Idaacadda Dalsan ee Muqdisho ayaa si kulul uga hadlay Qaraxyada iyo Weerarada ka dhaca Magaalada Muqdisho ee lagu qaadayo xarumaha dowladda.
Xildhibaanka ayaa waxaa uu sheegay in dowladda soomaaliya aysan maamulin inta badan Magaalada Muqdisho sida uu hadalka u u yiri marka laga reebo wadada Maka Al-mukarama ee hormarta Madaxtooyada soomaaliya,Jid caddayaasha soo gala wadada Maka Al-mukarama ayuu tilmaamay in dowladdu ay dhagxaan ku goysay taasi oo uu ku tilmaamay inaan ammaanka lagu sugikarin,
Sidoo kale Xildhibaan Abuukaate ayaa Rajo xumo waxa uu  ka muujiyey Taliyayaasha Cusub ee la magacaabay iyo isbadalada ammaan ee ay la imaan karaan waqtigaan.
Xilldhibaanka oo sii hadlayay ayaa wax lala yaabo oo fasiraad kale yeelanaya ku tilmaamay digniinaha qaraxyada iyo weerarada dhaca intaysan dhicin ka hor ay ka bixiyaan laamaha ammaanka balse aan laga hortegin
Ugu dambeyn Madaxda dowladda ayuu ugu baaqay in madaxda hay’adaha amniga ay ku doortaan qibradda iyo aqoonta ay leeyihiin,isagoo sidoo kale shacabka ugu baaqay in qaybtooda ay ka qaataan sugidda amniga iyo ka hortagidda Qaraxyada.
Hadalka Xildhibaan Maxamuud Abuukaate ayaa imaanaya xili habeen ka hor Muqdisho ay ka dhaceyn qaraxyo iyo weeraro toos ahaa kuwaas oo inta badan ay ku waxyeeloobeen Shacab aan waxba galasban.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Xildhibaan Abuukaate oo dhameystiran.