Magaalada Muqdisho ayaa Maanta waxaa Shir Jaraa’id ku qabtay Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka,isagoona uga hadlay Wafdigii shalay gaaray Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.
Xildhibaan Amiin Jeesow ayaa waxaa uu sheegay in diyaarad aan sharci aheyn ay ka degtay Magalada Kismaayo,isla markaana halkaas geysay wafdi ay hogaaminayeen Madaxweyneyaashii hore ee Koonfur Galbeed iyo Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka.
Sidoo kale Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa waxaa uu tilmaamay in shalay hawada Soomaaliya ay kabadbaaday khatar,maadaama ay soo gashay Diyaarad Qaraab ah oo aan fasax ka heysan Maamulka hawada Soomaaliya.
Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu Amiin Jeesow ugu baaqay inay si deg deg ah uga war uga soo saaraan diyaaradii shalay ka degtay Kismaayo,iyadoo aan wax fasax ah aan ka heysan Maamulka hawada Soomaaliya,isla markaana khatar gelisay dalka.
Hadalka Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa waxaa kusoo,iyadoo shalay diyaarad ka soo duushay Magaalada Nairobi ka degtay Kismaayo,taasi Jebisay amar ka soo baxay dowladda Soomaaliya ee ahaa in diyaaradaha ka taga Kismaayo iyo kuwa ka yimaada inay soo maraan Garoonka Aadan Cadde Magaalada Muqdisho.
Hoos ka Dhageyso Codka Xildhibaan Jeesow.