Fowziya Yuusuf  Xaaji Aadan oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegtay in dalka Soomaaliya uu waqtigaan yahay mid ay kala jiid jiiteen dowladdo shisheeye.
Waxa ay soo hadal qaaday xiisadaha Siyaasadeed ee waqtigaan ka jira dalka kaas oo u dhaxeeya Madaxda Dowladda iyo Siyaasiyiinta mucaaradka ah.
“Runtii dalku xor maahan Baddi ayaa la heesta Hawadi aya la heysan jiray Barigii sidoo kale,dhinacyo kala duwan ayaa dalka jooga Al-Shabaab dhinac ayay ka heestaan soomaaliya waxay waqtigaan joogtaa wan la qalay oo kale waayo waxa ay ku socotaa Wadada dagaalka ka socda Yaman oo kale ayay tiri xildhibaan Fowziya.
Sidoo kale waxa ay sheegtay in faragelinta shisheeye ay keeni karto in dalka uu dib ugu laabto bur bur.
Ugu dambeyn waxa ay sheegtay in Shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay Gacmaha isqabsadaan isla markaana ay taageeraan dowladda Cusub oo u dhalatay.
Hadalkaan ayaa Xildhibaan Fowziyo waxa ay sheegtay xili ay ka qeyb galeysay Barnaamij dood ah oo ka baxayay Idaacadda Voa-da laanteeda Afka Soomaaliga.
Hoos Ka Dhageyso Codka Xildhibaan Fowziyo Xaaji Aadan.