Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya oo Wareysi gaar ah siiyay Radio Dalsan Xarunta Muqdisho ayaa marka hore Madaxda ugu sareysa dalka ku taageeray Go’aanka dhexdhexaadnimada ah oo ay ka qaadatay khilaafka u dhaxeeya Wadamada Khaliijka.
Waxa uu sheegay in arrintaasi  ay tahay talaabo aad u weyn oo ay qaaday dowladda soomaaliya isla markaana khilaafka u dhaxeeya Wadamadaas xal laga gaari doono ayna heshiinayaan.
Sidoo kale xildhibaanka oo sii hadlayay ayaa sheegay in Safaarada Imaaraadka ay ku leedahay Magalada muqdisho ay qeyb ka tahay dibin daabyada lagu wado dowladda soomaliya isla markaana ay faragelin ku heyso arrimaha soomaaliya ayna hehsiisyo la galeyso Madaxda Maamul goboleedyada.
Waxa uu sheegay in weli Baarlamaanka Soomaaliya uusan ka hadlin mowqifka ay dowladda Federaalka ka qaadatay arrimaha Wadamada Khaliijka.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Maxamed Cumar Dalxa