Tan iyo markii dowladda Kenya ay iskudayday in ay markale dib u bilaawdo dhismaha derbiga ay dhiseysay Xadka ay degmada Balad Xaawo kala wadaagto Soomaaliya ayaa waxaa soo baxayay dadaalo looga hortegayay.
Shacabk Bald Xaawo ayaa k horyimid dhismahaas,waxana isla maanta kulan ka leh gudiga difaaca Golaha Shacabka,sidoo kalena la filayo in dowladda Soomaaliya ay dhawan wefdi u dirto.
Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah Baarlamanka Soomaaliya ayaa sheegay in madaxda Sare ee dalka ay arrintaan ka gaabiyeen si Kenya ay dib uga laabato dhismahaas.
Sidoo kale waxa uu sheegay in gudoonka Golaha Shacabka aysan dardargelin ka hadlida derbiga ay Kenya ka dhiseyso degmada Balad Xaawo ee Gobolka Gedo.
Dhismaha derbiga ah ee dowladda Kenya ak dhiseyso Magaalada Balad Xaawo ayaa waxaa dagaal iyo banaanbaxyo kala hortegay Shacabka degmadaas,waxaana sidoo kale Maanta la filayaa in ay War ka soo saaraan Gudiga difaaca Baarlamaanka Soomaaliya.
Hoos Ka Dhageyso Codka Xildhibaan Dalxa.