Kadib markii Magaalada Jowhar lagu rasaaseeyay Gaari ay la socdeen laba xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Hir-Shabeelle ayaa waxaa arrintaasi Dalsan u fah faahiyay Gaariga la rasaaseeyayna lahaa Xildhibaan Maxamed Yuusuf Coloow.
Xildhibanka ayaa sheegay in rasaastaas uu ku dhaawacmay Xildhibaan Faarax Maxamed Cismaanâ€Gacaneyâ€oo ka mid ah Baarlamaanka Maamulka Hir-Shabeelle intaasi kadibna ay u carareen Saldhiga Booliiska Jowhar oo goobta ka agdhawaa.
Sidoo kale waxa uu sheegay in ninka rasaasta ku furay Gaariga ay wateen loo sheegay in uu ka mid yahay ciidamada Milateriga Soomaaliya isla markaana  laga soo musaafuriyay degmada Balcad ee isla Gobolkaasi Shabeellaha Dhexe.
Ugu dambeyn waxa uu sheegay in ciidamada amniga ay Gacanta ku dhigeen ninkii rasaaseeyay Gaarigiisa ee doonayay in uu dilo.
Ilaa iyo hadda lama oga sababta ka dambeysa rasaasta lagu furay xildhibaanada ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Hir-Shabeelle xili ay marayeen Bartmaha Magaalada Jowhar.
Hoos Ka Dhageyso  Wareysiga Xildhibaan Maxamed Yuusuf Coloow