Xildhibaan Cabduqaadir coosble oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xasan Cali kheyre waxa uu ku dhaliilay in ay ka gaabisay dagaalka ka dhan ah Al-Shabaab.
Waxa uu sheegay in dhibaatooyinka ka jira deegaanada Maamulka Hir-Shabeelle ay masuul ka tahay dowladda Soomaaliya,isla markaana weli go’aansan in Al-Shabaab laga saaro deegaanada Maamulkaas.
“Dhibka maanta naheysto waxaa ka mas’uul ah xukuumadda Nabad iyo Nolol isku-tilmaamtay,deeganada hir-shabeelle in Shabaab laga saaro dowladda awood uma weynin hubkii ugu badnaa oo dowlad soomaaliyeed lasiiyo ayaa soo gaaray dowladda hadda jirta laakin waa ay ka jiiftaa dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ayuu yiri Xildhibaanka.
Hadalka Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble ayaa daba socda xilli dowladda hadda jirta ay dhowr mar ku cel celisay in ay bilaabeyso dagaal ka dhan ah Al-Shabaab taas oo aan weli suurtagelin.
Hoos Ka Dhageyso Codka Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble.