Xildhibaan C/llaahi Goodax Barre oo ka mid ah Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa ka hadlay qodobo qaar oo uu sheegay in uu ka maqan yahay xeerka ay Maanta Baarlamaanka anisixyeen ee dalka looga mamnuucay ShirKadda DP World ee laga leeyahay Imaaraadka Carabta.
Xildhibanka oo ka hadlayay Kulankii Maanta ayaa sheegay in Xeerkan uu ka waayay qodob ka hadlaya ciqaabta uu muteysan karo muwaadinka soomaaliyeed ee heshiis qarsoodi ah la gala Shirkado Shisheeye.
“Runtii waxa aan halkan u soo istaagay waxa ay tahay waxa aan xeerka ka waayay qodob sheegaya ciqaabta muwaadinka gala heshiis qarsoodi ah waxa ay aheyd in lagu daro xataa uu qofkaa muteysan karo Xabsi gaaraya 10 ilaa 30 Sano ayuu yiri Xildhibaan C/llaahi Goodax Barre.
Hadalka Xildhibaanka ayaa ku soo aadaya xili ay taagneyd xiisad ka dhalatay heshiiskii Saddex geesoodka ahaa ee dekada Berbera wallow shirkadda DP World ee heshiiskas gashay Baarlaamanka Soomaaliya ay maanta mamnuuceyn in ay dalka ka sii Shaqeyso.
Hoos Ka Dhageyso Codka Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre.