Xildhibaan Cabdi Fitaax Ismaaciil Daahir oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo Xisbiga UPD ayaa si kulul u weeraray dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Waxa uu sheegay Xildhibaanka in dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo ay waddo hab dhaqan ah Aargoosi kaas oo ku socda mas’uuliyiintii qeybta ka aheyd heshiiskii Kampala Accord.
“Runtii dowladda hadda talada heysaa waxay waddaa aargoosi iyo hab dhaqan xun,qofkii maalin uun dowladda waxka sheega ayaa la beegsanayaa,hadda waxaad ogtihiin in usha ay ku dhacday Wakiilkii Qaramada Midobay ee Soomaaliya Nicholas Hayesom oo mudo Saddex bilood ka yar xilka haayay ayuu yiri  Xildhibaan Cabdi Fitaax Ismaaciil Daahir.
Hadalkaan ayaa Xildhibaan Cabdi Fitaax Ismaaciil Daahir waxa uu jeediyay xilli uu ka qeyb galayay munaasabad Xisbiga UPD uu  Xarun ku furanayay taas oo lagu qabtay Magalada Muqdisho.
Hoos Ka Dhageyso Codka Xildhibaan Cabdi Fitaax Ismaaciil Daahir.