Xiisad u dhexeysay dadka deegaanka degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo iyo Ciidanka dowladda Kenya oo ka dhalatay Burburin Kenya ay ka bilowday gudaha degmada Baladxaawo oo ay sheeganeyso inay leedahay oo maalmihii dambe halkaa ka taagnaa ayaa hadda dib usii laba kacleysay.
Wararka aan ka helnay dadka deegaanka ayaa xaqiijinaya in xiisaddu ay soo cusboonaatay Kadib markii labadii maalin ee lasoo dhaafay Ciidanka Kenya ay dib ugu soo noqdeen halkii markii hore muranku ka bilowday ayna burburin ku sameeynayaan guryo la dagganyahay taasi oo walaac iyo diidmo xooggan ay ka muujinayaan dadka degmada ku nool.
Sidoo Kale Ciidanka Kenya waxaa arintan dib usoo cusboonaatay ku gacansiinaya xubna ka mid ah Maamulka degmada Baladxaawo oo sida la sheegay lacago kusoo qaatay sidii shacabka ka dhiidhinaya xad-gudubka Kenya ay kusoo sameyneyso ciidda Soomaaliya ay uga dhaadhicin-lahaayeen inaysan howlgalka ciidanku wadaan ka hortagin.
Nabadoon ka mid ah dadka ku nool Baladxaawo oo la yiraahdo Idiris oo la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa waxaa uu sheegay in xiisaddu soo cusboonaatay xaalad kacsanaan ahna ay ka jirto,sidoo kale nabadoonkan ayaa inoo sheegay in ciidanka Kenya falkan ay ku gacansiinayaan xubno ka mid ah Maamulka degmada Baladxaawo oo shacabka u qabanaya shirar ay kaga digayaan inay ka hortagaan weerarka Kenyaatigu ay kusoo galeen degmadaas.
Wararkii ugu dambeeyey ee Saaka Nagasoo gaarayo degmada Baladxaawo ayaa sheegaya in Xiisad Kacsanaan ah ay jirto dadka deegaanka Qaarkood ayaa ka barakacaya degmada Kadib markii ciidanka Kenya ay kulasoo Jarmaadeen Saaka burburin.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Nabadoon Idiris.