Maamulka degmada Jalalaqsi ee Gobolk Hiiraan ayaa ka hadlay xiisad Gacan ka hadal ah oo ka dhacday degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan taas oo u dhaxeysay Ciidamada Jabuuti iyo kuwa ka tirsan dowladda.
Gudoomiyaha degmada Jalalaqsi Maxamed Cabdulle fiidoow, ayaa sheegay in xiisadaas uu ku dhaawacmay mid ka mid ah Ciidamada dowladda Soomaaliya,balse haatan xal buuxa laga gaaray.
Sidoo kle Gudoomiyaha ayaa la weeydiiyay Warar soo baxayay oo sheegayay in degmada Jalalaqsi uu ka dhacay Dibadbax looga soo horjeeday Ciidamada Jabuuti,waxana uu sheegay in Warkaas uu yahay mid been abuur ah.
Hoos Ka Dhageyso Codka Gudoomiyaha