Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir oo ka hadlayay arrinta la xiriirta Wasiir kuxigeenka arrimaha dibeda Soomaaliya  Muqtaar Mahad Daa’uud ayaa sheegay in wasiirka ay baaris ku haayeen mudadii uu xilka hayay.
Waxa uu Dr Axmed Cali Daahir sheegay in afartii bilood ee la soo dhaafay Wasiir ku Xigeenka arimaha dibeda Soomaaliya Muqtaar Mahad Daa’uud ay baaris ku haayeen, isla markaana sheegay in dib u habeyn lagu sameeyay xafiiskiisa.
Sidoo kale waxa uu sheegay Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka in xafiiska siyaasada hanta dhowrka Qaranka iyo kan Xeer ilaaliyaha uusan cid xad gudub ku sameyn doonin,balse sheegay in marnaba aysan dhici doonin inay dhagaha ka fureysataan fal dambiyeed sharci ah oo quseya musuq maasuq.
Wasiir kuxigeenka arimaha dibeda Soomaaliya Muqtaar Mahad Daa’uud ayaa sheegay in uu hor tegi doono Maxkamad sharci ah si ay u bilaabato dhageysiga dacwada loo heysto.
Hoos ka Dhageyso Codka Xeer ilalaiyaha Guud ee Qaranka.