Maanta waxaa dalka India heshiis ku kala saxiixday madax ka kala socotay dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayay Wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar iyo Xeer ilaaliyaha Qaranka Axmed Cali Daahir kaas oo ku saabsan heshiis dhinaca Maxaabiista ah.
Xeer ilaalayaha Qaranka Axmed Cali Daahir  oo wareysi gaar ah siiyay Radio Dalsan Xarunta Muqdisho isaga oo ku sugan dalkaasi india ayaa waxa uu sheegay in heshiiska la gaaray uu ka mid ahaa in uu dhaco heshiis isdhaafsi kaas oo ku aadan in Maxaabiista soomaaliyeed ee ku xiran dalkaas loo soo wareejiyo soomaaliya hadii ay jiraan kuwa India u dhashayna iyana lagu wareejiyo.
Sidoo kale waxa uu sheegay in Maalinta Berito ah ay booqan doonaan Xabsiyada ay ku xiran yihiin Maxaabiista soomaaliyeed si ay Goob joog uga noqdaan 15 ka mid ah Maxaabiistaas oo xukun lagu riddi doono.
Waxaa kaloo uu hadalkiisa intaas ku daray in heshiiska ay ka mid ahaayeen in dowladda Federaalka Soomaaliya lagu soo wareejiyo Maxaabiis gaareeysa ilaa 118 Maxbuus kuwaas oo laba Isbuuc gudahood ay dowladda India Xukun ku riddi doonto si Soomaaliya loogu soo wareejiyo.
Hoos Ka DhageysoWareysiga Xeer Ilaaliyaha Qaranka oo uu la yeeshay Wariye Saleemaan Xaaji Axmed Raage