Kadib Go’aan ka gaaristii Maxkamada Gobolka Banaadir kiiskii Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa waxaa Go’aankaas Maxkamada ka soo horjeestay xeer ilaaliyaha Qaranka.
Axmed Cali Daahir oo Saxaafada Shir Jaraa’id Muqdisho ugu qabtay ayaa ku tilmaamay Go’aankii Gudoomiyaha Maxkamada Sare mid Sharcidaro ah isla markaana ay racfaan ka qaadanayaan.
Waxa uu sheegay in Xeer ilaalinta aan marnaba loo ogolaan waqti ay baaris ku sameyso isla markaana la dhinac maray Go’aana lagaaray taasina ay tahay in sharciga la jebiyay.
Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaas raaciyay in aysan muhiim aheyn in laga hadlo dembiga eedeysanaha balse ay aheyd in xeer ilaalinta laga ogolaado in ay baaris sameyso.
Hoos Ka Dhageyso Codka Xeer ilaaliyaha Qaranka.