Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa marka hore ka tacsiyeeyay dadkii ku dhintay qarixii shalay gelinkii dambe ka dhacay isgoyska soobe ee Muqdisho kaas oo geestay khasaaro naf iyo Maalmo leh.
Xasan Sheekh ayaa sheegay in dadkii lagu laayay Isgoyska soobe ay ahaayeen dad aan waxba galabsan marka laga reebo in ay ahaayeen kaliya Soomaali.
Waxa uu sheegay in waqtigaan dalka Soomaaliya ay heysato musiibo qaran sidaas darteedna Shacabka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay in ay hal meel uga soo wada jeestaan cadaw uu sheegay in uu dadka Soomaaliyeed dilayo.
Sidoo kale waxa uu shegay in dalka Soomaliya lagu soo duulay iyada oo lagu soo gambanayo dad Soomaliyeed oo Cadawga u adeegaya sida uu hadalka u dhigay.
Hoos Ka Daawo Hadalka Xasan Sheekh Maxamuud