Waxaa Gelinkii dambe ee Maanta Xarunta Hay’adda dembi-baarista ee CID-da ee Magaalada Muqdisho lagu xiray Suldaan Xaamud Aadan Mataan oo ka mid ahaa Salaadiinta ka soo jeeda Soomaaliland kana mid ahaa Odayaashii soo doortay Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Suldaanka ayaa xiliga la xirayay waxa uu ku guda jiray xalinta dhul la’isku heystay balse ay xabsiga dhigeen ciidamada Booliska Soomaaliya isaga iyo Wiil uu Adeer u yahay sida ay Dalsan u xaqiijisay Senoter Nuuro Faarax Jaamac oo ka mid ah Senotarada uu soo doortay.
Waxa ay sheegtay Senoter Nuura Jaamac in aysan ilaa iyo hadda ogeyn sababta loo xiray Suldaankeedii isla markaana ay weli la’yihiin xiriirkiisa iyo cid ay kala hadlaan.
Xarunta CID-da ayay sheegtay in loo diiday in ay tagaan si ay wax uga ogaadaan sababta xariga Suldaan Xaamud Aadan Mataan,waxa ayna ugu baaqday Dowladda Soomaaliya in Suldaanka sisharcidarro ah loo xiray sidaas darteedna loo baahan yahay in sideg deg ah wax looga qabto.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Senoter Nuuro Faarax Jaamac.