Afayeenka maamulka gobolka banaadir ayaa xaqiijiyey dhimashada Toddoba ruux oo ku geeriyootay qarax waxyar ka hor ka dhacay meel ku dhow dhismaha wasaaradda Aminga gudaha.
Cabdifitaax Cumar Xalane ayaa warbaahinta u sheegay inay qaraxaasi ku dhinteen 7 ruux oo ahaa dad shacab ah, kuna sugnaa halka uu qaruxu ka dhacay, islamarkaana dhaawucu uu ka badan yahay intaasi.
Dhinacakale Goob-joogayaal ayaa u sheegay Radio Dalsan in gaariga qarxay la dhigay goobta, islamarkaana ruuxii saarnaa uu isaga dagay waxyar ka hor qaraxa inta uusan dhicin.
Halkaan hoose ka dhageyso Codka.