Waxaa maanta Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG,ka ah ee Maamulka Galmudug dib ugu laabtay Madaxweynaha Maamulkaas Axmed Ducaale Geelle Xaaf kaas oo Kismaayo kaga qeyb galay shirkii Madaxda dowlad goboleedyada ee shalay lagu soo afmeeray halkaas.
Xaaf, ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha ku soo dhaweeyay xildhibaano ka tirsan kuwa Galmudug, xubno ka tirsan Golha Wasiirada iyo qaar ka mid ah Shacabka ku nool Magaalada Cadaado.
Soo dhaweyn kadib Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa sheegay in shirkii uu uga qeyb galay kismaayo qodobadii ka soo baxay ay noqon doonaan kuwa Shacabka Soomaaliyed lagu badbaadin doono.
Sidoo kale waxa uu kula dardaarmay xildhibaanada iyo Shacabka Galmudug in ay ka qeyb qaataan dejinta xiisada Siyaasadeed ee ka taagan Galmudug.
Hoos Ka Dhageyso Codka Xaaf kana Daawo Sawirrada