Axmed Ducaale Geelle Xaaf Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug ayaa si kulul uga hadlay xilka qaadistii ay sheegeen xildhibaano ka tirsan Galmudug in ay ku sameeyeen.
Waxa uu sheegay in aysan waxba ka jirin xilka qaadistaas isla markaana isagu uu yahay Madaxweynaha Galmudug dadka shirayna aysan aheyn xildhibaano.
Waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in waxaan oo dhan ay yihiin kuwo ay ka dambeeyaan dad dano Siyasadeed leh oo muqdisho ku sugan islamarkaana xaalada jirta meel uun ay ku dhamaan doonto.
Xiisada ka jirta deegaanada Galmudug ayaa ah mid cirka isku sii shareereysa, waxana Madaxweyne xaaf uu dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeynayaa in ay faragelin Siyaasadeed ku heyso.
Maanta ayaa la filayaa in ay Cadaado tagaan Xildhibaano ka tirsan kuwa Federaalka gaar ahaan kuwa lagas oo doortay deegaanada Galmudug.
Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweytne Xaaf