Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa Maanta waxaa kulan ku yeeshay Odayaasha iyo waxgaradka Cadaado,iyadoo looga hadlay arrimo xasaasi ah.
Kulanka ayaa intii uu socda waxaa Odayaasha dhaqanka iyo Waxgaradka Cadaado ay uga hadleen arrimaha Shirka dib u heshiisiina Galmudug ee haatan marayo heer gaba-gabo ah uuna soo xiro doono Madaxweyne Farmaajo iyo Doorashada dhawaan la filayo inay ka dhacdo deegaanada Magaalada Dhuusmareeb.
Odayaasha oo kulanka kadib la hadlay waraabhinta ayaa sheegay in Magaalada Cadaado ay tahay Xarunta Baarlamaanka Galmudug,isla makaana loo baahan yahay in lagu qabto Doorashada Madaxtinimada iyo mida Baarlamaanka Galmudug.
Sidoo kale Odayaasha ayaa Madaxweyne Farmaajo ka dalbaday markii uu tego Magaalada Dhuusamareeb in Cadaado uu keeno Doorashada Galmudug si loogu qabto,iyagoo xusay in Madaxweynaha Cadaado u magacaabay Xarunta Baarlamaanka Galmudug,isla markaana ay ka codsanayan inuu fuliyo uliyo Balankii uu ka qaadey.
Odayaasha iyo waxgaradka Cadaado ayaa tilmaamay in Shirka dib u heshiisiinta Galmudug aysan ka qeyb gelin hana ay ka qeyb geli doonin Doorashada ilaa inta uu Madaxweyne Macamed Cabdullaahi Farmaajo ka xaliyo Cabashada ay qabaan.
Ugu dambeyntii Odayaasha ayaa sheegay in ay u diyaar garoobayan sidii ay Magaalada Cadaado ugu soo dhaweyn lahaayeen Madaxweyne Farmaajo.
Hoos ka Dhageyso Codka qaar kamid ah Odayaasha dhaqanka Cadaado.