Iyada oo shalay War-Saxaafadeed ka soo baxay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo lagu sheegay in aan la iibin Karin lana bixin Karin Hantida Qaranka,waxana Arrintaas ka soo horjeestay Waxgaradka Muqdisho.
War-Saxaafadeedka Shalay ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu qeexay in uusan Sharci aheyn Dhulkii dowladeed ee la kireeyay la’iibiyay wixii ka dambeeyay 8-dii Febraayo, 2017 oo aheyd markii la doortay Madaxweyne Farmaajo.
Kulan ay xalay ku yeesheen Magaalada Muqdisho Odayaashaas isla maraana Goobjoog uu ka ahaa Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed ayaa waxa ay ka soo saareen War-Saxaafadeed ka kooban ilaa 9 Qodob.
War-Saxaafadeedka ayaa waxa ay kaga hadleen sidoo kale Maqaamka Muqdisho iyo in la qabto Shiweynaha Nabadeynta Gobolka Banaadir.
War-Saxaafadeedka ayaa waxaa Warbaahinta u Akhriyay Farxaan Xirsi Afrax
Hoos Ka Dhageyso Codka kana Akhriso War-Saxaafadeedka ka oo baxay Waxgaradka Muqdisho.
.https://www.radiodalsan.com/wp-content/uploads/2018/01/2222222.mp3