Iyada oo Maanta lagu wado in Magaalada Dhuusa Mareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug  lagu qabto munaasabad lagu dhameystirayo heshiiskii Galmudug iyo Ahlusunna ayaa hadana waxaa jira weli beelo qaarkood shiraas ka soo horjeeda.
Wasiirkii hore ee Dastuurka iyo Arrimaha Dib u heshiisiinta Maamulka Galmudug ahna gudoomiyaha Gole la magac baxay badbaadada iyo Midnimada Galmudug Cisman Maxamed Cali (Cisman Dheere) ayaa heshiiskaas ku tilmaamay mid lagu kala fogeynayo Bulshada Gobolada Dhexe.
Waxa uu ku sheegay wareysiga uu siiyay Dalsan in ay jiraan dhibaato dhanka Dastuuriga ah isaga  oo soo daliishaday in ay jiraan masuuliyiin waqtigooda dhamaaday iyo kuwo xilalka laga qaaday kuwaas oo heshiis aan loo dhameyn wada galay.
Waxa uu hadalkiisa intaas raaciyay in Maamulka Galmudug uu yahay mid dad wada heshiiyay ay wada dhisteen balse hadda u muuqato mid taasi lag gudbayo siwadi tashi la’aan ahna heshiisyo loo galayo.
Isaga oo sii hadlayay ayaa waxa uu hadalkiisa intaas raaciyay in shirka lagu dhameystirayo heshiiskii Galmudug iyo Ahlusunna ee Maanta ka furmeysa dhuusa Mareeb waxyaabihii ka soo baxa aysan noqon doonin kuwo dhaqangala oo wax wanagsan ay ka soo baxaan.
Waxa uu hadalkisia intaas raaciyay in ay jireen wadahadlo socday oo la doonayay in lagu xaliyo cabashada ay tabanayaan balse taasi iyada oo aan la dhmeystirin shirkaasi uu furmayo.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga oo dhameystiran.