Wasiirka wasaaradda warfaafinta ee xukuumadda Cabadiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow oo maanta Shir jaraa’id ku qabtay xarunta wasaaradda warfaafinta ayaa SKM xilkii uga qaaday agaasimaha guud ee wasaradaas Cabdirisaaq Bahlaawi iyo kan maamulka iyo miisaaniyadda, kadib masuq-maasuq iyo wax isbadaba marin lagu soo eedeeyey masuuliyiintaas.
Eng Yarsiiow waxaa uu sheegay tan iyo markii uu la wareegay xilka wasiirka warfaafinta labadii April ee Bishaan inay soo gaarayeen cabashooyin badan,  kadibna uu ukuur galay shaqada iyo shaqaalaha warfaafiinta, oo uu tilmaamay inuu arkay Khaladaad badan, maamul xumo iyo inuu jiro masuq-maasuq, sidaa darteedna uu xilkii si Kmg ah uga qaaday agaasimayaasha.
Waxaa Si Kmg ah agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta loo magacabay Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaal, oo ahaa agaasimii Sonna
Sidookale wasiirka warfaafinta ayaa isbadal ku sameeyey waaxyaha shaqo ee warfaafinta, waxaana agaasimaha Tv-ga dowladda loo magacaabay Liibaan Cabdi Cali, Halka agaasimaha radio Muqdisho loomagacaabay Cabdifitaax Daahir Jeyte, iyadoo agaasimaha Sonna loo magacaabay Cabdinaasir Xassan Xuseen , oo ahaa agasimihii qorsheynta.
Dhinacakale wasiir yarsiisow shirkiisa jaraa’id waxaa uu uga hadlay xariga wariye Cabdimalik Coldoon oo shalay maxkamada Hargeysa ay ku riday xukun Laba sano oo xabsi ah, waxaana uu sheegay inay ka xunyihiin xariga wariyahaas, oo ay soomaaliland ku xirtay magaalada Hargesya.
Hlkaan hoose ka dhageyso Codka