Wasiirka Maaliyada Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Maxamuud Cabdulle oo ay weheliyaan,Xubno ka socda Sanduuqa horumarinta Somaliya ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweyay Garoonka diyaaradaha Ugaas khaalif ee Magalaada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan
Wafdigan ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Ugaas khaalif ku soo dhaweyay Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Kan Kan Degmada Baladweyne.
Guudoomiye ku xigeenka aminga iyo siyaasadda Gobolka Hiiraan Xuseen muumin Cismaan iyo Guudoomiyaha degmada Baladweyne Maxamed cismaan Cabdi Qalafow ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin imashaha wafdigan u horkacayo Wasiirka Maaliyada dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Maxamuud Cabdulle.
Wasiirka Maaliyada Hirshabeelle Maxamed Maxamuud Cabdulle ayaa sheegay in ay la kulmi doonaan qeybaha kala duwan ee bulshada inta ay joogan Magaalada Baladweyne,islamarkana hadafka ay u yimadeen ay tahay sidi loo ogaan laha baahiyaha ay qaban bulshada ku nool Magalaada Baladweyne kadibna loo fulin laha mashaariic lagu horumarinayo Magalaada.
Hoos Ka Dhageyso Codka kana Daawo Sawirrada