Wasiirka oo Wareysi Khaas ah siiyey Dalsan Radio waxa uu sheegay inay ku saxan yiin inay taageeraan Isbahaysiga Sacuudiga,maadaama ay Xiriir Ganacsi la leeyihiin dalalkaasi, isla markaana loo dhoofiyo Khudaarta iyo Xoolaha nool ee uu caanka ku yihiin Goballadda hoos taga Maamulka K/Galbeed.
“Wax sharci ah oo aan jebinay ma jiro, K/galbeed waxay qeyb ka tahay DFS, waxaana ku khasbanahay inaan ilaaliyo Danaha Dadka ku abtirsada Maamulka K/Galbeed†ayuu yiri C/llaahi Sheekh Xasan oo ah Siyaasi aan la gabanin Aragtidiisa.
Mar wax laga weydiiyey waxay ku qoonsadeen go’aankii DFS ee dhexdhexaadnimadda Khilaafka Khaliijka, waxa uu carrabka ku dhuftay inay og yihiin ujeedada ay DFS ugu xaglinayso Dowladda Qatar, wuxuuna hoosta ka xariiqay inay Madaxda Maamul-gobaleedyadda kula taliyeen Madaxda DFS inay ka laabtaan go’aankaasi aan danta ugu jirin Dadka Soomaaliyeed..
Dhinaca kale, Wasiirka Dastuurka ee Dowlad-gobaleedka K/Galbeed waxaa wax laga weydiiyey xiisadda Siyaasadeed iyo Xildhibaanadda laga manuucay inay tagaan ama ka baxaan Baydhabo, wuxuuna gaashaanka ku dhuftay arrintaasi, isagoo sheegay in Madaxtooyadda Villa Somalia laga soo abaabulayo wararka la dhoodhoobay, waa sida uu hadalka u yiri.
Waxa kale oo uu Wareysigiisa ku difaacay Madaxweynaha K/Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ay Siyaasiyiinta iyo Xildhibaanadda mucaaradka ku ah ku eedeeyeen inuu gacan bir ah ku caburinayo Dareenka Reer K/Galbeed.
“Madaxweynaha mas’uul kama ah Ammaanka, waxaa jira Hay’addo u xil saaran inay sugaan Amniga, loona baahan yahay in looga fasax qaato Dibadbaxyadda iyo Shirarka Siyaasadeed.
Si kastaba ha ahaatee, warar soo baxayo ayaa sheegayo inuu Madaxweynaha K/Galbeed amar ku bixiyey inaysan Siyaasiyiinta iyo Xildhibaanadda ka bixi Karin gudaha Baydhabo ama aysan wax Duullimaad ah ku tegi Karin Baydhabo oo Xarun KMG u ah Maamulkaasi.
Halkan ka dhegeyso Wareysiga lala yeeshay Wasiirka Dastuurka ee K/Galbeed.