Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji Wasiirka Caddaaladda Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa shaaciyay waqtiga rasmiga ah ee lagu soo dhisi doona Golaha Adeega Garsoorka dalka si Shacabka Soomaaliyeed ay u helaan Garsoor Cadaalad ah.
Wasiirka Caddaaladda oo ka hor hadlayay Xubnaha Golaha Shacabka oo uu shalay hortegay ayaa sheegay in Guddiga Adeegga garsoorka uu ku soo dhisayo muddo labo bilood ah,isaga oo kala tashanaya dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka ah si uusan is qab qabsi dambe uga dhalan.
Waxa uu sheegay in tani sahli karto in lahelo Garsoor loo dhan yahay kaas oo lag dhisi doono dalka oo dhan si ay u yaraato Cabasahda Shacabka ee dhanka Garsoorka dalka Soomaaliya.
Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka Cadaalada Soomaaliya