Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Cadaalada Xukuumada federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay maanta gaareen magaalada jowhar ee xaruunta gobalka shabeellaha dhexe waxaana wafdiga Wasiirka qeyb ka ahaa gudoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka Xeerilaliyaha Qaranka iyo xubno kale oo ka socda Garsoorka dalka
U jeedka wafdiga uu hogaaminayo Wasiirka Cadaalada ay u gaareen Jowhar ayaa waxa lagu sheegay in dhawaan magaladaas uu ka furmi doono shir looga hadlayo Cadaalada kaas oo ay ka qeyb galayaan Wasiirada Cadaalada dowlada goboleedyada dalka
Gudoomiyaha Maxkamada racfaanka gobalka Shabeellaha Dhexe Sheekh Axmed Xaaji ibraahim Sayid oo  lahadlay Radio Dalsan ayaa waxa uu sheegay in wafdiga ay u soo gaareen jowhar sidii Wasiirka Cadaalada uu uga furi lahaa magalada jowhar shir ku saabsan cadaalada kaas oo looga hadlaayo arimaha Cadaalada ayna ka qeyb galayaan dhammaan Wasiirada Cadaalada Dowladda Soomaaliya iyo dowlada gobaleedyda ka jira dalka.
Waa markii ugu horeysay oo shir looga hadlaayo Cadaalada dalka lagu qabto magalada jowhar kaas oo ay ka qeybgalayaan Wasiirada Cadaalada dowlada gobaleedyada xubnaha ka ah dowlada federaalka ah ee soomaliya  wallow degmooyin kale oo dalka ah horay loogu soo qabtay.
Hoos Ka Dhageyso Codka  Gudoomiyaha Maxkamada racfaanka gobalka Shabeellaha.