Wasiirka Wasaarada Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa ka codsaday xubnaha Golaha shacabka in ay si deg deg ah u meelmariyaan hindise sharciyeedka sharciga Isgaarsiinta dalka kaas oo muhiim ah.
Cabdi Canshuur Xasan sheegay in Hindise Sharciyeedka Xeerka Isgaarsiinta dalka laga sameeyay wadatashi farabadan islamarkaana uu soo maray garyaqaanka guud ee dalka iyo Guddiga gaarka ah ee hubintada Sharciyada Wasaarada Cadaalada uuna muhiim u yahay Amniga Qaranka,Dhaqaalaha iyo horumarka dalka Soomaaliya.
Waxa uu sheegay in Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ay tahay mid laga doonayo in ay ansixiyaan maadaama haatan uu u dhamestiran yahay shuruucdii loo baahnaa.
Wasiirka Wasaarada Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa dhowr jeer ka dalbaday Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya in ay ansixiyaan Sharciga Isgaarsiinta maadama wadatashiyo badan uu soo marsiiyey.
Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka