Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo dib uheshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka  Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa faah faahin ka bixiyay kulamo kala duwan oo shalay ilaa xalay uu la qaatay Madaxda sare dowlad Goboleedka Galmudug,kadib markii shalay uu gaaray Magaalada Dhuusamareeb.
Wasiir Sabriye oo Maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Mqudisho ayaa waxaa uu sheegay in kulamadii uu la soo yeeshay Madaxda Galmudug uu rajo wanaagsan ka qabo,isla markana khilaafka u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo Galmudug xal laga gaari doono.
Sidoo kale waxa uu sheegay Wasiira Arrimaha gudaha in waxyaabihii ka soo baxay wadahadaladaas uu la wadaagi doono Madaxda sare dowladda,isagoona xusay in weli ay taallo shaqo adeg  oo loo baahan yahay in la qabto.
Warar Madax banaan oo la helaayo ayaa waxa ay sheegayaan in Galmudug ay shuruudo adeg ay ku xirtay Wasiirka,kadib markii uu hordhigay arrimo kala duwan oo ku saabsan wadahadallada.
Ugu dambeyntii Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo dib uheshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in wax kasto oo jira lagu dhameeyn doono wadahadallo dhexmara labada dhinac.
Hoos ka Dhageyso Codka Wasiir Sabriye.