Maamulka curdunka ah ee Hirshabeelle ayaa wajahaya howlo dhib badan oo ku aadan dhameystirka howl wadeenada dowlad goboleedkaas, Madaxweynaha Hirshabeele Cali C/laahi Cosoble ayaa magaalada Jowhar ee xarunta maamulkaas 20-kii February waxaa uu kaga dhawaaqay Liiska golaha wasiirada ee maamulka, golaha uu magacaabay madaxweyne Cosoble ayaa gaaraya 23 wasiir,23 wasiir ku xigeen iyo Lix wasiiru dowle
Baarlamaanka maamulkaasi ayaa 11- kii bishaan an sixiyey xubnaha golaha wasiirada, iyada oo uu kulanka maalintaas xubnaha qaar Baarlamaanka ay ka soo horjeesteen goloha wasiirada.
Xildhibaan Maxamed Bashiir Daqare oo ka mid ah baarlamaanka maamulka Hirshabeelle oo ka qeyb galay barnaamijka Dooda Dalsan ee jimcaha ayaa tirada wasiirada sheegay inay tahay mid aad u badan oo uu maamulka dhaqaale ahaan qaadi Karin ayna wanaagsaneyd in tirada intaas laga yareeyo.
Halkaan hoose ka Dhgeyso Codka.