Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka mid ah Guddigii Ra’iisul wasaaraha uu u Magacaaabay u gurmashada dadkii ku dhaawacmay qaraxii ka dhacay Soobe ayaa ka sheekeeyay waxyaabihii u qabsoomay.
Wareysi uu Caawa siiyay Radio Dalsan Wasiirka ayaa sheegay in ay bilaabeen Shaqadoodii ugu horeysay isla amrkaana inta badan dadkii ku geeriyooday qaraxaas la’aasay
Sidoo kale waxa uu sheegay in Madaxda Qaranka ay codsi u direen Caalamka isla markaana dowladda Turkiga ay ka soo jawaabtay si isla beri loo qaado dhaawacyada ugu daran ee u baahan Caafimad dibadda ah.
Wariye Xasan Maxamed Daahir oo Wareysanayay Wasiirka ayaa weydiiyay Su’aal aheyd mala ogaaday khasaaraha guud ee ka dhashay qaraxaas waxa uu  ku jawaabay.
“Runtii weli baaritaano iyo tirakoob ayaa socda howshana intaas wey ka weyn tahay dadbaa weli la raadinayaa balse waxan rajeynayaa in xogta dhabta ah markii la ogaado aan soo gudbin doono tanina waxa ay ka mid tahay dhibaatada ay Argagaxisada Al-Shabaab ay Maalin cad dadka ku dhibaateynayaan ayuu yri Wasiirka Warfaafintaâ€