Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow Wasiirka Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya ayaa k warbixiyay halka ay mareyso qorsha loogu Gurmanayo dadkii ku dhaawacmay qaraxii Soobe oo ay wadan guddiga Gurmad Qaran.
Wasiir Yariisoow ayaa sheegay in inta badan dalalka Saaxiibda dhow la’ah dalka Soomaaliya ay soo direen Dhaqatiir iyo Fawooyinka halka qaarkood Wadamadooda ay geyeen si loogu daweeyso.
Isaga oo sii hadlayay ayaa waxa uu sheegay in dhaawacyada ay muqdisho ka qaaday dowladda Qatar lagu daaweyn doono dalka Suudaan kadib markii la wayay ama ay yaraadeen Sariirihii la jiifin lahaa dadka dhaawacyada qaba isla markaana qarasha ay bixin doonto dowlaa Qatar.
Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiir Yariisoow