Maalma ka hor waxaa dib u dhac uu ku yimid shirweynaha Qaran ee dib u eegista Dastuurka dalka kaas oo ay soo diyaarisay Wasaarada Dastuurka Xukuumada Federaalka Soomaaliya kadib markii ay qaadaceen shirkaas Wasiirada Arrimaha Dastuurka ee dowlad goboleedyada .
Wasiirka Wasaarada Dastuurka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay Baaqashadaas balse taasi ay tahay dumuqraadiyad ama xuriyad la gaaray in Xukuumadda Sooamaliya laga soo horjeesto.
Wasiir Xoosh ayaa sidoo kale sheegay in Wasaaradu ay mar kale qaban doonto shirkaas kaas oo ah mid dib u eegis lagu lagu sameynayo Dastuurka dalka oo ah weli mid qabyo ah.
Hadalka Wasiirka ayaa imaanaya xili weli ay dhaliil muujinayaan Wasaaradaha Dastuurka Maamul goboleedyada, taas oo Wasaarada Dastuurka dalka Soomaaliya looga baahan yahay in ay xal ka gaarto.
Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiir Xoosh