Magaalada kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose waxaa ku sugan Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh jibriil kaas oo shalay halkaasi gaaray.
Wafdiga ayaa kulamo kala duwan la qaatay Madaxda Maamulka Jubbaland,iyaga oo wadatashi kala yeelan doona Arimaha ku aadan Dastuurka dalka oo haatan ah mid qabyo ah.
Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil Wasiirka Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in Maalmaha uu ku sugan yahay Magaalada Kismaayo uu wadatashi kala sameeyo Bulshada rayidka ah eek u sugan deegaanada Jubbaland iyo Madaxda maamulkaas sigaar ah Waaxyaha kala duwan ee Wasaaarda dastuurka Maamulka jubbaland.
Wasaarada Dastuurka Soomaaliya ayaa dhawaan muqdisho ku qabatay kulamo kala duwan oo wadatashi ahaa kaas oo ay la yeelatay Soomaalida Qurba joogta ah,waxaana sidoo kale jirtay in Wasiirka uu tegay Xarumaha maamul goboledyada qaarkood si loo dhamestiro qabyo qoraalka Dastuurka dalka.
Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka