Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta kulan ku yeeshay Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho kulankaas oo la filayay in uu hortago Wasiirka Dastuurka Soomaaliya Cabdiraxmaan xoosha Jibriil,balse uu ka baaqsaday.
Wasiir Xoosh ayaa warqad uu u soo qoray Guddoonka Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan  isaga oo ka cudur daartay soo xaadiritaanka kulanka Baarlamaanka,isagoo doonaya in howlo Caafimaad u aadi doono dalka dibaddiisa balse taasi Xildhibaanada qaar ay diideen.
29 Mudane ayaa soo gudbiyay Codsi ku Aadan in dib u eegis lagu sameeyo Xilka wasiirka Dastuurka Soomaaliya,iyaga oo intaas kadib cod u qaaday inta Ogol in dib u eegis lagu sameeyo xilka Wasiirka 85 Xildhibaan ayaa ogolaatay , halka 77 ay diiday.
Inta aan lagu dhawaaqin natiijada ayaa waxaa kulanka Baarlamanka hareeyay buuq farabadan kaas oo sabab u ahaa in la isku qabsado Warqada ay ku qorneed natiijada oo Xildhibaanada qaarkood aysan ku qanacsaneyn.
Ugu dambeyn Guddiyada Joogtada Baarlamaanka ayaa loo xil saaray in ay Go’aamiyaan dib u eegis lagu sameeyo xilka Wasiirka Dastuurka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil iyo in loo ogolaado codsiga ku aadan in  Baarlamaanka hortago 11 Bisha ka Agosto.
Gabagabadii Dastuurka Qodobkiisa 69,aad ayaa u ogolaanaya  in Xubnaha Golaha Baarlamaanka Soomaaliya in ay codka kalsoonida kala laaban karaan Xubin Wasiir
Hoos Ka Dhageyso Warbixin Wariye Farxiyo muraad