Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho tababar uga furay Cutubyo ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya gaar ahaan Ururka 60-aad ee ilaalada madaxtooyada Soomaaliya kuwaas oo gaaraya iala 118 Askari.
Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan wasiirka gaashandhiga Soomaliya ayaa waxa uu sheegay in Ururka 60 aad  oo ah ciidamada tababarka loo furay ay ka duwan yihiin Ururada kale maadaamada ay saaran  masuliyad aad u culus isagoo tilmaamay in ay tusaalo u yihiin Ururrada kale ee ciidamada xooga dalka Soomaaliya
Wasiir Mursal  ayaa intaas waxa uu hadalkiisa ku daray in Ururka 60-aad ee ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya uu yahay mid ka masuul ah maskaxda dowlada Soomaaliya
Ugu dambeyn waxa uu sheegay in dadka ka soo horjeeda dowladnimada Soomaaliya ay marwaliba diyaarinayaan qorshooyin cusub dowladana looga baahan yahay in tababaro iyo qorshooyin cusub ay marwaliba diyaariso si loo xaqiijiyo Amniga dalka.
Horay ayaa waxaa mudo dhowr bilood ah tababar u qaatay ciidamo ka tirsan ilaalada Madaxtooyada kuwaas oo lo qorsheynayo in amniga Madaxtooyada ay siweyn u ilaaliyaan.
Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka Gaanshaandhigga Soomaaliya.