Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya kana soo jeeda deegaanada Maamulka Soomaaliland ayaa soo hadal qaaday wadahadalada dhawaan bilaaban doona ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Maamulka Soomaaliland.
Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in isagu uu yahay Shaqsi doonaya midnimada Soomaaliya basle la heysto dhulkiisa.
â€Waxaan idiin sheegayaa aniga midnimada waan jeclahay laakin dhulkeygii waa laheystaa sidaas oo ay tahay hadii wadahadalada ay noqdaan mid soomaliland lagu dhagrayo waan tegayaa ayuu yiri Wasiir Maareeyeâ€
Waxa uu sheegay in arrinta Soomaaliland ay tahay mid gaar ah laakin la doonayo in wadahadalada ay yihiin kuwo u baahan in daacadnimo Isfahan iyo heshiis lagu dhameeyo balse aysan ku imaan kuwo Koonfurta Soomaaliya kaliya ku kooban oo laga dhigo in Soomaaliland Xamar la keeno si ay doorasho ugu galaan.
Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya.