Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawod ayaa faahfaahin ka bixiyay kulan gaar ah oo magaalada Nairobi uu kula qaatay dhigiisa dalka Kenya Marwo Raychelle loogana hadlayay arrimo dhowr ah oo la xiriira labada dal.
Wasiirka arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawod ayaa sheegay in kulanka intiisa badan looga hadlay sidii loo dhameyn lahaa khilaafka muddooyinkii dambe sii xoogeysanayay ee ka dhaxeeyay labada dowladood .
Isaga oo la hadlayay laanta Afka-soomaaliga ee VOA-da ayaa la weydiiyay sida uu u dhaqangeli karo heshiiskaan madaama horay wadahadalo aan guuleysan ay u dhexmareen labada madaxweyne waxaana uu sheegay in uu rajo ka qabo in ay guulaystaan.
Dhinaca kalana waxaa wax laga weydiiyay warar maalmihii dambe la isla dhexmarayay oo sheegayay in dowladda Kenya ay ciidamadeeda kala baxeyso Soomaaliya isaga oo been abuur ku tilmamaay wararkaas sheegayna in ay ka tirsanyihii howlgalka AMISOM waajibaadkoodana ay gudanayaan.
Halkaan Ka Dhageyso CodkaÂ