Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa Maanta ka warbixiyay habsami usocdka Maaliyada ee Dalka.
Wasiir Beyle oo Shir Jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo kala duwan,waxaana kamid ah deymaha lagu leeyahay dowladda Soomaaliya iyo halka ay mareyso hanaanka deyn cafinta.
Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ayaa ka hadlay arrimaha dib-u daabicidda Shilinka Soomaaliga iyo howshiisii, Natiijadii shirkii Washington,kaasi oo uu sheegay inuu guulo ku soo dhamaaday,Hantida Qaranka oo Wasaaradda Maaliyaddu ay tiro koob ku sameysay.
Isga soo sii hadlaayay ayuu tilmaamay in dowladda ay ka Go’an tahay inay hormariso dib u habeynta dhaqaalaha Dalka, taasoo muhiim u ah Dadkeena iyo Dalkeena,waxaana uu u mahadceliyay shacabka soomaaliyeed ee sida joogtada ah u la shaqeeya, canshuurta bixiyay iyo kuwa taageere intaba.
“Far kaliya Fool ma dhaqdo†waxaa waajib nagu ah in aan si wada jir ah dhamaanteen u wada shaqeyno horumarka dalkaâ€ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle.
Hoos ka Dhageyso Codka Wasiir Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle.