Wasiirka cusub ee wasaaradda qorsheynta xukuumada Soomaaliya Jamaal Maxamed Xassan ayaa ka hadlay lacag dhan 49-tan Million oo ay dowaladda federaalka ka heshay ururka midwoga Yurub, taasi oo lagu xoojin doono waxbarashada Soomaaliya.
Wasiir Jamaal ayaa sheegay in lacagtaas qeyb ka mid ah ay gaarsiin doonaan maamul goboleedyada hoosyimaada dowladda dhexe, si wax loogu qabo dhanka waxbarashada ee maamulada.
Ururka Midowga Yurub oo u dabaal dagay Sanad guuradii 60-aad oo shalay laga xusay Muqdisho ayaa dowladda soomaaliya ugu deeqay 49-tan Million oo loogu xoojinayo waxbarshada Dalka.
Halkaan hoose ka dhageyso Codka.