Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Soomaliya Abuukaate Xuseen Xasan Xaaji ayaa sheegay in dhulka Ciidanka Asluubta meel walbo oo uu ku yaallo loo baahan yahay in la ilaaliyo si Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ay uga faa’iideestaan hadii loo helo dayactirka ay u baahan yihiin dhulalkaas.
Wasiirka ayaa faray Taliyaha Cusub ee Ciidanka Asluubta in aan la bixinta Karin dhulalka Ciidamada Asluubta oo ah Hanti Qaran oo ay u baahan yiiin Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.
Sidoo kale waxa uu sheegay in Xabsiga dhexe ee Xamar uu waqtigaan u baahan yahay dhismo maadaama xili hore ay ugu dambeysay dayactir lagu sameeyo
Hadalkaan ayaa Wasiirka Cadaalada waxa uu maanta ka sheegay xili uu ka qeyb galayay Munaasabad uu xilka kula wareegay Taliyaha Cusub ee Asluubta Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe)
Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka.