Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa markale ku celiyay in shirar aysan ka warqabin Xukuumadda Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir aan lagu qaban Karin M/Muqdisho.
Wasiir Maxamed Abuukar Isloow Ducaale ayaa Waxa uu sheegay in xiliyada Goobaha ama lagu shirayo meelaha ay dadku isugu tagaan lagu soo wargeliyo laamaha amniga iyo maamulka gobolka Banaadir.
Waxa uu sheegay in cidwalba oo dooneysa in ay isu-imaatin ama shir in ay qabato in ay warqad fasax ah ka qaadato Wasaaradda amniga iyo maamulka Gobolka Banaadir.
Marka laga soo tago hadalka Wasiirka amniga ayaa waxa xalay Ciidamada NISA ay weerareen Guriga Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur oo lagu eedeeyay in uu abaabulayay waxyaabo ka dhan ah Madaxda dowladda Soomaaliya.
Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Isloow Ducaale.