Afhayeenka Wasaaradda Amniga Soomaaliya Cabdi Casiis xildhibaan oo Saxaafada kula hadlayay Afaafka hore ee Hotelka ayaa sheegay in weli baaritaano uu sucdo si loo soo bandhigo khasaarihii weerarkaas ka dhashay.
Waxa uu sheegay in Al-Shabaab ay beegsadaan Goobaha ay dadka ku badan yihiin, sida Hotelada iyo Maqaaxiyaha balse haatan ay weli wadaan soo badbaadinta dadkii ku jiray Hotelka.
Ugu dambeyn waxa uu sheegay in Saacadaha soo socda Wasaardu ay soo bandhigi doonto khasaaraha rasmiga ah ee k dhashay weerarkas ee ah dhimasho iyo dhaawac intaba.
Weerarkaan qaraxa ku bilaawday ee lagu qaaday Hotelka Naasa-Hablood 2 ayaa ku soo aadaya laba todobaad kadib weerarkii lagu hoobtay ee 14,kii Bishaan ka dhacay Isgoyska zoobe ee Magaalada Muqdisho
Hoos Ka Dhageyso Shirka Jaraa’id ee Afhayeenka.