Afhayeenka Wasaaarda amniga Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyay khasaarihii guud ee ka dhashay weerarkii iyo dagaalkii xalay lagu qaaday Maqaayadaha Pizza House iyo Posh oo ku yaalla degmada hodan ee gobolkaan Banaadir.
Axmed Maxamed Maxamuud Sayid Carab,oo warbaahinta la hadlayay xili ciidamada amniga ay soo gaba gabeyeen weerarkaas ayaa waxa uu sheegay in ay ku geeriyoodeen ilaa 18 ruux oo todobo ka mid ah ay yihiin Haween iyo hal nin oo u dhashay dalka siiriya oo ka mid ahaa Shaqaalaha Maqaayada Posh halka ay ku dhaawacmeen 19 ruux oo kale oo Shacab u badnaa.
Sidoo kale waxa uu sheegay in Al-Shabaab aysan rabin dowladda balse dadka ay doonayaan ay yihiin Shacabka loogana baahan yahay in ay hal meel uga soo wada jeestaan.
Wuxuu afhayenka ugu baaqay in Shacabku dhankooda ay Tuutaha wada ka xirtaan islamarkaana ay la dagaalamaan waxa uu uga yeeray cadaw oo uu ula jeeday Al-Shabaab.
Hoos Ka Dhageyso Shirka Jaraa’id.