Wasaarada amniga Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisay howlgaladii u dambeeyay ee Ciidamada xasilinta amniga muqdisho ay ka sameeyeen degmooyin ka tirsan Gobolkaan Banaadir.
Afhayeenka Wasaarada amniga Soomaaliya Axmed Maxamed Maxamuud (Sayid Carab) ayaa sheegay in ay howlgalladu ay yihiin weli kuwa socda islamarkaana looga soo horjeedo dagaalyahanada Al-Shabaab.
Waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in Ciidamada dowladda Soomaaliya ay sii ballaarin doonaan howlgalka amniga lagu sugayo ilaa dalka oo dhan laga waayo Al-Shabaab sida uu hadalka u dhigay.
Ugu dambeen waxa uu ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed in ay garab istaagaan Ciidamada howlgalka wada islamarkaana madaxda dowladda dhankooda ay garab taagan yihiin ciidamada.
Hoos Ka Dhageyso Codka