Wasiirka amniga gudaha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Ducaale Islow oo ka hadlay Shir saxaafadeed si wadajir ah ugu qabteen isaga iyo taliyeyaasha Nabad Sugidda iyo booliiska ayaa sheegay in go’aan ay ka soo saareen golaha wasiirada Soomaaliya in taageero dhaqaale la siiyo Al-shabaab.
Waxa uu sheegay in ay l-Shabaab Ganacstada Soomaaliyeed ka qaadaan lacago ay ugu magacdareen Zakawaad,taakuleynta Mujaahidiinta iyo Magacxyo kale islamarkaana dowladda Soomaaliya ay taasi indhaha ka qabsan weyday.
Waxa uu sheegay in dowladda mamnuucday taageerida,sida Ganacsiga,Garab istaaga Siyaasada qarinta,quudinta barbar istaga meel la istagida iyo Garabsiinnta.
Waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in ay jiraan dad al-Shaabab Xukuno u doonta,taasina ay dowladda talaabo ka qaadi doonto cidii Xukun u doonta ee la arko.
Shirkadaha Isgarsiint dalka ayuu sheegay in aysan ugu Adeegin EVC,Zaad , Eemail iyo sidoo kale u Xawilaada Lacagaha ay u baahdaan Al-Shabaab.
Ugu dambeen waxa uu sheegay in dhawaan ay k soo bixi doonto Wareegto Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha lana Dhaqangelin doono.
Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka Amniga