Maanta waxaa Xoriyadiisa dib u helay Wariye Camar Xasan Cali Seerbiya oo laba Maalin kahor ay Ciidamada Soomaaliland ku xireen Magaalada hargeysa xili uu ka tagay Magaalada Caasimadda ah ee Magaalada muqdisho.
Iyadoo aan wax Maxkamada ah lasoo taagin ayay suurtagasahy in lasoo daayo,waxana uuna caawa Radio Dalsan Xarunta Muqdisho uu faah faahin ka siiyay sababaha loo cuksaday xarigiisa iyo waliba qaabka uu ula dhaqmay.
Cumar seerbiya ayaa sheegay in Sirdoonka Soomaaliland ay u sheegen in ay ku heestaan arimo lagu dhaliilayo Soomaaliland oo uusoo dhigay Baraha Bulsahda sida,Facebook,islamarkaana ay sax taahyuuna isaga dhigay Warka ku aadan dhaliisha.
Sidoo kale waxaa la weeydiiyay maadaama hada lasiidayay iyadoo aan weli sirasmi ah loo cadeyn sababtii loo xiray in ay qeyb ka tahay sababta uu Muqdisho u yimid ayaa waxa uu yiri,
“Haa wa macquul in kastoo warkaas aysan ii sheegin balse waxaad ogtihiin in soomaaliland ay sheegaan in ay yihiin dal madaxbanaan oo Soomaaliya inteeda kale ka Go’aday balse haatan weli mamuuqato ayuu yiri Cumar Seerbiya.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Cumar Serbiya