Duhurnimadii Maanta ayaa waxaa duleedka degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan lagu weeraray Ciidamo uu la socday gudoomiyaha Gobolka Hiiran kuwaas oo ka tegay Magaalada Baladweyne.
Ciidamo ka tirsan Al-Shabaab ayaa Wadada u galay ciidamada la socday Gudoomiyaha xili ay ku dhow yihiin degmada Maxaas ee gobolkaasi Hiiraan,waxaana halkaasi ka bilaawday dagaal u dhaxeeyay labada dhinac.
Wariyaha Radio Dalsan ee gobolka Hiiraan Axmed Diri Nuur ayaa sheegay in dagaalkas ay ku geeriyoodeen Saddex Askari oo ka tirsan ciidamada Milateriga Soomaaliya halka dhanka Al-Shabaab ay kaga dhinteen ilaa 6 Askri sida ay Saraakiihs u xaqiijiyeen.
Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa xiliga la weerarayay waxa uu degmada Maxaas ugu wajahnaa in uu isbedel ku sameeyo maamulka degmada Maadaama Gudoomiyaha degmada Maxaas uu waqtigiisa dhamaday.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Wriyaheena Axmed Dirir Nuur